Sign in to follow this  
Deeq A.

Baarlamanka Puntland oo u yeeray guddiyo loo xil-saaray arrimaha garsoorka iyo xukuumadda

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in guddoomiyaha Baarlamanka Puntland uu maanta u yeeray guddiyadii loo xil-saaray arrimaha garsoorka iyo la-xisaabtanka xukuumadda.

Labada guddi ayaa laga sugaya in ay Baarlamanka u soo gudbiyaan warbixinno ku saabsan arrinta maxkamadda sare iyo xog ururinta la xiriirta la-xisaabtankii xukuumadda.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli uu weli furan yahay kal-fadhiga 50-aad ee Baarlamanka Puntland kadib markii wakhti dheeri ah lagu daray.

Baarlamanka ayaa horay laba jeer u diiday xubnaha maxkamadda sare oo uu magacaabay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

PUNTLAND POST

The post Baarlamanka Puntland oo u yeeray guddiyo loo xil-saaray arrimaha garsoorka iyo xukuumadda appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this