Sign in to follow this  
Deeq A.

Rabshado ka socda magaalada Laascaanood kadib markii uu gaaray madaxweynaha Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

Rabshado iyo rasaas ayaa laga soo weriyay qaar kamid ah xaafadaha magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool halkaas oo uu goor dhowayd gaaray madaxweynaha Somaliland.

Wararku waxay sheegayaan in xaafadaha Laascaanood qaarkood uu ka socdo muddaharaad ka dhan ah madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo hadda ku sugan degmadaas.

Ciidamo xooggan ayaa hadda lagu arkayaa jidadka muhiimka ah iyo bartamaha magaalada si loo xaddido dhaq dhaqaaqyada dadweynaha muddaharaadka samaynaya.

Weli lama soo werin wax khasaare ah oo ka dhashay rabshadaha ka socda Laascaanood waxaana wararka qaar sheegayan in ay jiraan dad la xir-xiray.

PUNTLAND POST

The post Rabshado ka socda magaalada Laascaanood kadib markii uu gaaray madaxweynaha Somaliland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this