Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Xamsa oo kulan isugu yeeray guddi hoosaadka golaha wasiirada soona saaray amar

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre ayaa galabta shir-guddoomiyay kulankii ugu horreeyay oo ay yeeshaan guddi hoosaadka golaha wasiiradda ee “Tiirka Soomaali Heshiis ah oo ka mid ah lixda tiir ee qorshaha Xukumadda Dan Qaran,” sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska Xamsa.

Kulanka ayaa waxaa lagu soo bandhigay qaabka dhismeedka guddi hoosaadka iyo qorshe howleedka hortabinta u leh ee horyaalla xubnaha guddiga.

“Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray xubnaha guddi hoosaadka in ay la yimaadaan howl karnimo iyo dadaal dheeraad ah, si looga gun gaaro hirgelinta halbeegyada u degsan, kuwaas oo uu tilmaamay inay aasaas u yihiin xasillooni siyaasadeed iyo in horumar la gaarsiiyo shacabka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraalka xafiiska R/Wasaaraha.

Wasiiru dowlaha xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xirsi Jaamac Gaani, ayaa maanta la kulmay Agaasinka Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, Xarunta Qaran ee Hawgallada Gurmadka Degdegga ah iyo xubno ka mid ah Guddiga Abaaraha, wuxuuna ka dhageystay warbixin la xiriirta halka ay marayaan howlaha gurmadka qaran ee abaaraha iyo deegannada wax la gaarsiiyey intii ay howlaha gurmadku socdeen.

Gaani ayaa kula dardaarmay hoggaanka hay’adda iyo guddiga gurmad abaaraha in la sii xoojiyo dadaallaada socda, iyadoo muhiimad wayn la siinayo gacan qabashada dadka jilicsan ee abaaruhu saamyeen.

Sidoo kale Wasiiru Dowlaha ayaa xubnihii uu la kulmay kula dardaarmay in dadka Soomaaliyeed ee abaartu saameysay lala gaaro wixii la hayo, dib u dhac walba oo yimaadana uu xaaladda ka sii dari karo.

Dhankooda, Hay’adda Maareynta Musiibooyinka, Xarunta Qaran ee Hawgallada Gurmadka deg degga ah iyo Guddiga Abaaraha ee heer qaran oo iskaashanaya ayaa warbixintooda ku soo bandhigay xogta deegaanno badan oo la gaar siiyey gurmadka iyo kuwa la qorsheyey in deg deg gurmad loogu diro.

307260704_437819008447251_15217974635810 307434512_437818985113920_32609109530813 307654228_437952555100563_62700016142132 307855972_437952521767233_23205813052563 Axmed-Fiqi.jpg?resize=696%2C464&ssl=1 khadiija-diiriye.jpg?resize=696%2C604&ss wasiirka-Maaliyadda-Cilmi.jpg?resize=696 Xamsa-Barre-1.jpg?resize=696%2C464&ssl=1

The post Sawirro: Xamsa oo kulan isugu yeeray guddi hoosaadka golaha wasiirada soona saaray amar appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this