Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Puntland oo dhammaan hawlihii dib u-habaynta Ciidamada ka wareejinaya Wasiir Xasan Abgaal

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu wadaa in uu saaka booqdo Taliska 54-aad ee Ciidamada difaaca Puntland oo ku yaalla duleedka waqooyi ee caasimadda Garoowe.

Wararku waxay sheegayaan in Madaxweynuhu goob-joog ka noqon doono munaasabad gaar ah oo dhammaan hawlihii Ciidamada looga wareejinayo guddigii dib u-habaynta Ciidamada Puntland.

Guddigaas oo uu hoggaaminayay Wasiirka Maaliyadda Xasan Shire Abgaal ayaa mudadii Xukuumaddu jirtay u qaabilsanaa dib u-habaynta iyo Tira-koobka Ciidamada.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale lagu wadaa in uu kulan xasaasi ah la yeesho Taliska guud ee ciidamada difaaca Puntland oo ay weheliyaan hoggaannadiisa kala duwan.

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Puntland oo dhammaan hawlihii dib u-habaynta Ciidamada ka wareejinaya Wasiir Xasan Abgaal appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this