Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada dowladda oo u ruqaansaday dhinaca degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamo ka tirsan xoogga dalka Soomaaliya oo ku gaashaaman noocyada kala duwan ee gaadiidka dagaalka ayaa saaka u ruqaansaday dhinaca degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud halkaas oo ay gacanta ku hayaan Al-shabaab.

Ciidamada dowladda oo ka kooban kuwa horay Gobolka u joogay iyo cutubyo cusub oo shalay gaaray magaalada Dhuusamareeb ayaa doonaya in ay Al-shabaab ka saaraan degmada Ceelbuur iyo degaannada hoosyimaada.

Al-shabaab ayaa horay degmada Ceelbuur looga saaray 24 March 2014 xilligaas oo uu Xasan Sheekh Madaxweyne ka ahaa Soomaaliya balse waxay dib u qabsadeen 3 April 2017 oo ku beegan mudda yar kadib markii Farmaajo la doortay.

PUNTLAND POST

The post Ciidamada dowladda oo u ruqaansaday dhinaca degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this