Sign in to follow this  
Deeq A.

“Xisbiga WADDANI Waxa Uu Diyaar U Yahay Inuu Ka Qaybgalo Dhammaan Doorashooyinka Astaysan…” Guddoomiye Xirsi

Recommended Posts

Deeq A.   

“Xisbiga WADDANI waxa uu diyaar u yahay inuu ka qaybgalo dhammaan Doorashooyinka astaysan, gaar ahaan doorashada Madaxtooyada oo iyadu ah ta u soo horraysa.”

Waxaan bogaadin u dirayaa hoggaanka cusub ee Komishanka Doorashooyinka Qaranku ay iska dhex doorteen. Guddoomiyaha, guddoomiye kuxigeenka iyo Af-hayeenka KDQ waan hambalyaynayaa waxaanan u rejaynayaa xilgudasho wanaagsan.

Xisbiga WADDANI waxa uu soo dhawaynayaa hoggaanka cusub, waxaanu ula shaqayn doonaa sida ugu habboon, guud ahaanna waxa aannu diyaar u nahay lashaqaynta xubnaha KDQ dhammaantood, sidii aannu Komishannadii ka horreeyeyb ula shaqayn jirnay.

Komishanka Doorashooyinka Qaranka waxa laga sugayaa inay soo diyaarinayaan khariidada doorashooyinka iyagoo ku salaynaya sida ay u kala horreeyaan, xisbiga WADDANI na waxa uu diyaar u yahay inuu ka qaybgalo dhammaan Doorashooyinka astaysan, gaar ahaan doorashada Madaxtooyada oo iyadu ah ta u soo horraysa.

Ugu dambayn, hoggaanka cusub iyo guud ahaan xubnaha KDQ waxaan rejaynayaa inay noqon doonaan garsoor umadda Somaliland mahadiso.”

Guddoomiye Xirsi Cali Xaaji Xasan

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this