Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Xasan Shiikh oo Kulan La Qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed Ee Mareykanka

Recommended Posts

Deeq A.   
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Maraykanka, isaga oo la wadaagay fursadaha maalgashi ee ka jira dalka, qorshaha dowlad dhiska, la dagaallanka argagixisada iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha.
Madaxweynaha ayaa Jaaliyadda iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee uu la kulmay, uga warramay xaaladda guud ee dalka, waxa uuna xusay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ahmiyad weyn siineyso kobcinta dhaqaalaha iyo maalgashiga dalka, xoojinta amniga, shaqo abuurka dhallinyarada iyo dib u heshiisiinta dadka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Qurbajoogta Soomaaliyeed ay saameyn wanaagsan ku leeyihiin horumarka dalka, waxa uuna ka rajeeyey in ay xoojiyaan maalgashiga dalka iyo midnimada shacabka Soomaaliyeed, isagoo tilmaamay tilmaamay in diblumaasiyadda Soomaaliya ay mudnaanta siineyso hagaajinta xiriirka dalkeennu uu la leeyahay caalamka, si aan iskaashi buuxa ugu helno duruufaha dib dhigay dadka Soomaaliyeed.
Dhankaooda, Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Maraykanka oo ay ka mid ahaayeen masuuliyiin dalka xilal ka soo qabtay, ayaa Madaxweynaha u xaqiijiyey sida ay uga go’an tahay in ay dhaqaalahooda iyo cilmigoodaba ku soo celiyaan dalka, doorna uga qaataan dhismaha dowladnimada Soomaaliya, dib u heshiisiinta iyo gurmadka dadka ku dhibaateysan abaaraha ka jira deegaanno badan oo ka mid ah gobollada dalka.
305809393_487703570062921_17780815350815
306832320_487703790062899_79978490966355
307192567_487703086729636_25607614201452
306275185_487703583396253_87474748753532
306447479_487703730062905_27127632318792
Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this