Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: DF oo garoonka Aadan Cadde maanta ka dhoofisay ciidan ku wajahan…

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa goordhow ciidamo ka tirsan kuwa Militariga ka dhoofisay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kuwaas oo ku wajahan caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeeb.

Ciidamadaan oo ku hubeysnaa hubka noocyadiisa kala duwan, oo aan si rasmi ah loo ogeyn tiradooda, ayaa marka ay tagaan magaalada Dhuusamareeb waxay kaga sii gudbi doonaan degaano iyo degmooyin ay qeyb ka yihiin Ceelbuur iyo Ceelgaras.

Deegaanada la rabo inay ciidamadaan xoreeyaan ayaa muddo badan waxay ku jiraan gacanta kooxda Al-Shabaab, waxaana maagaalada Ceelbuur lagu tiriyaa inay kamid tahay magaalooyinka saldhigga u ah kooxdaan dagaalka kula jirto ciidamada dowladda, kuwa Midowga Afrika iyo shacabka.

Ciidanka maanta ka baxay Muqdisho iyo howlgalka xoreynta Ceelgaras iyo degaano hoos-yimaada Ceelbuur waxaa hogaaminaya Maxamed Xaashi Canshuur oo ah taliyaha degaanka Daarusalaam iyo taliye ku xigeenka Saldhigha Booliska ee degmada Yaaqshiid.

Qorshahaan ciidamada looga qaaday magaalada Muqdisho ayaa wuxuu qeyb ka yahay howlgal la doonayo in guud ahaan looga xoreeyo kooxda Al-Shabaab.

Gobolada Hiiraan iyo Mudug ayaa waxaa ka socdo kacdoon ka dhan ah kooxda AL-Shabaab kadib markii ay isku dhaceen qabiilada halkaas dago iyo kooxdaan taasoo bilaabatay markii ay Al-Shabaab dhac u geysatay xoolo dhaqato, islamarkaana ay lacago badan kusoo rogtay dadka deegaanadaas dagan.

Tan iyo markii uu kacdoonkaan bilowday waxaa kooxda Al-Shabaab laga saaray deegaano badan oo ka tirsan Hiiraan, waxayna dowladda Soomaaliya ay qorsheeneysaa inay howlgalkaan ka dhigto mid saf mareen ah oo si isku mid ah uga bilowdo dhammaan goobaha ay ku sugan yihiin maleeshiyada Al-Shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa ballam qaaday inay qaadayaan guluf ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, lamana yaqaano sida ay uga dhabeyn karaan ballanqaadooda.

306535340_625975945564400_87820969559279 306405203_625975728897755_14846699621961 306527450_625975985564396_71050436491283 306487766_625975975564397_43181696647634 306498734_625975692231092_57640743651948 306451753_625975718897756_13781701773256 306474084_625975765564418_81840153432758 306496386_625975808897747_59747619635545 306445030_625975942231067_91174782313689 306456748_625975695564425_81292392300359

The post Sawirro: DF oo garoonka Aadan Cadde maanta ka dhoofisay ciidan ku wajahan… appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this