Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay Xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka

Recommended Posts

Deeq A.   
1-8-1440x956.jpg

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo boqasho rasmi ah ku jooga waddanka Mareykanka ayaa la kulmay xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Antony Blinken iyo  ku xigeenka xoghayaha Victoria Nuland.

Xoghaye Blinken ayaa sheegay in madaxweyne Xasan Shiikh ay ka wadahadleen xassilloonida, maamul wanaagga iyo hiigsiga arrimaha bini’aadanimada.

“Mareykanka waxaa ka go’an inuu dadka Soomaaliyeed ka caawiyo la dagaallanka argagixisada, ka hortagga macluusha, horumarinta dimuqraadiyadda, iyo badbaadinta nolosha” ayuu Blinken ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale kulamo gooni-gooni ah la yeeshay saraakiisha sare sare ee Mareykanka, kuwaas oo ay ka mid yihiin xoghayaha difaaca, la taliyaha amniga qaranka iyo madaxda waaxda maaliyadda Mareykanka.

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay Xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this