Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ay dishay in ka badan 30 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

In ka badan 30 xubnood  oo ka tirsan Al-Shabaab ayay ciidanka xoogga dalka Soomaaliya xalay  ku dileen degaanka Abooreey oo qiyaastii 25Km dhanka bari kaga beegan degmada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan sida ay sheegtay dowladdu.

“Ciidanka Xoogga dalka ayaa xalay abaaro labadii habeenimo saq dhexe dagaal kula galay Maleeshiyaadka Argagixisada Al-Shabaab deegaanka Abooreey, ciidanka xoogga dalka oo sii haayay xogta dhagarta Argagixisada ayaa gaarsiyay jab xoog leh, iyada oo dhanka kale ay dhaawacyo soo gaareen shan askari oo ka tirsan ciidanka xoogga” ayaa lagu yiri war ka soo baxay wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.

. Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale u mahad celisay cid kasta oo ka qayb-qaadatay hawlgalkaas la sheegay in lagu dilay dagaallamayaal ka tirsan Al-shabaab.

4-8.jpg

PUNTLAND POST

The post Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ay dishay in ka badan 30 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this