Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Xasan oo Mareykanka Kula Kulmay Madaxa Hey’adda Lacagta Adduunka

Recommended Posts

Deeq A.   
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan la qaatay Madaxa Hay’adda Lacagta Adduunka Marwo Kristalina Georgieva ayaa la wadaagay tallaabooyinka wax ku oolka ah ee laga gaaray xaqiijinta dib u habeynta nidaamka maaliyadeed ee dalka.
Madaxweynaha ayaa ku soo bandhigay xarunta Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ee magaalada Washington qorshaha dowladda Soomaaliya ee ku addan dayn cafinta, kobaca dakhliga iyo horumarinta ilaha dhaqaalaha, si dhallinyarada Soomaaliyeed loogu abuuro fursado shaqo, dalkana looga samata bixiyo saboolnimada iyo duruufaha dhaqaale ee soo noqnoqday.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxa Hay’adda Lacagta Adduunka Marwo Kristalina Georgieva ayaa isla qaatay dardargelinta arrimaha hortebinta u leh dowladda Soomaaliya si loo hirgeliyo qorshaha dhammeystirka hannaanka deyn cafinta ee dalkeenna.
Madaxa Hay’adda Lacagta Adduunka Marwo Kristalina Georgieva ayaa muujisay sida ay uga go’an tahay in dowladda Soomaaliya ay kala shaqeeyaan qorsheyaasha mudnaanta u leh oo ay ugu horreeyaan horumarinta hannaanka dib u habeynta dhaqaalaha, deyn cafinta iyo doorkooda ku aaddan gurmadka abaaraha ka jira dalka.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyey hay’adda IMF taageerada ay siiyaan dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo ku adkeeyey in ay sii waddan garab istaaggooda ay u muujiyeen Shacabka Soomaaliyeed, waxaana kulankaan uu kusoo aadayaa xilli dalka ay ka jirto abaar baahsan oo dadka iyo duunyada saameysay.
Twitter: @TheVillaSomalia
305630207_472649384906206_69280359934975
307277971_472649418239536_53353120745055
307448096_472649404906204_73748995713156
306009807_472649441572867_90737452417072
306922375_472649458239532_79714396087747
Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this