Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo faahfaahisay sababtay ay kaga hortimid qandaraas-bixinta Shidaalka Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   
Caarshe.jpg

Xukuumadda Puntland ayaa faahfaahin ka bixisay qoraal ay xalay kaga hortimid hannaanka loo maray habraacyada qandaraas-bixinta Shidaalka Soomaaliya oo dhowaan la ansixiyay.

Wasiirka Tamarta iyo Macdanta Puntland Carshe Siciid Aw Muuse oo wareysi kooban siiyay PLTV ayaa sheegay in aysan dowladda Federaalka Soomaaliya jid saxan u marin habraacyada qandaraas-bixinta shidaalka.

Wasiir Carshe ayaa sheegay in dhammaan habraacyada lagu maaraynayo hannaanka qandaraas-bixinta shidaalka ay u baahan yihiin in ay wada-tashi iyo heshiis wadar-ogol ah ka gaaraan dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka.

Sidoo kale wuxu tilmaamay in tallaabo kasta oo hal dhinac ah islamarkaana aysan heshiis ku hayn dhinacyadu oo lagu bixiyo qandaraasyada shidaalka Soomaaliya ay sababi karto xasilooni-darro iyo dib u dhac.

PUNTLAND POST

The post Puntland oo faahfaahisay sababtay ay kaga hortimid qandaraas-bixinta Shidaalka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this