Sign in to follow this  
Deeq A.

Gudoomiyaha Xisbiga Waddani oo ka hadlay…..

Recommended Posts

Deeq A.   
Maanta dunidu waxa ay u debbaaldegaysaa oo ay xusaysaa isna xusuusinaysaa xorriyadda iyo Dimuqraadiyadda, iyada oo ku beegan tahay maalinta caalamiga ah ee dimuqraadiyadda.
Dalkeenna Somaliland waxa uu ka mid yahay dalalka qaatay hannaanka dimuqraadiyadda, dastuurkeennuna waxa uu dammaanad qaaday xorriyadaha kala duwan, gaar ahaan xorriyadda hadalka, haddana sidaas oo ay tahay muwaadiniin tiro badan ayaa jeelka xaqdarro ugu jira in ay si dimuquraadi ah dareenkooda u muujiyeen, qaarna maantadan ayaa la xidhxidhayay, halka qaar kalena qori lala hortaagnaa si loo cabudhiyo.
Waa la gaadhi doonaa maalin ay dadku doonistooda muujin doonaan, dalkoodana ku helaan xorriyad iyo nidaam dawladeed oo ay raalli ka yihiin oo xorriyaddooda dhowra, karaamadoodana ilaaliya, rabitaan iyo kalgacalna ay ku doorteen.
W/Q Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Mudane Xirsi Cali X Xasan
306276564_1501656930295824_5843652861116
306651059_1501656813629169_1889290627096

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this