Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyeyaal cusub oo loo magacaabay degmooyinka Boosaaso iyo Gaalkacyo

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maamulo cusub oo kumeel gaar ah u magacaabay degmooyinka Boosaaso iyo Gaalkacyo.

Madaxweyne Deni ayaa guddoomiyaha KMG ah ee degmada Boosaaso u mgacaabay Xasan Cabdalle Xasan, halka uu guddoomiye ku-xigeen u magacaabay Siciid Cabdiraxmaan Maxamed.

Dhanka Madaxweynaha Puntland ayaa guddoomiyaha KMG ah ee degmada Gaalkacyo u magacaabay Xassan Maxamed Jaamac.

Degmooyin Boosaaso iyo Gaalkacyo ayaa dhowr sano la ahayn Gole Deegaan, waxaana maamulayay maamulo KMG ah oo magacaabay Madaxweyne Deni.

POUNTLAND POST

The post Guddoomiyeyaal cusub oo loo magacaabay degmooyinka Boosaaso iyo Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this