Sign in to follow this  
Deeq A.

Boqolaal gaadiid ah oo 24 saac ee la soo dhaafay ku xaniban degmada Xarfo ee gobolka Mudug

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16632567654290622.jpg

Boqolaal gaadiid ah ayaa 24 saac ee la soo dhaafay ku xaniban degmada Xarfo ee gobolka Mudug kaddib markii ciidamo maleeshiyo beeleed ah ay shalay galinkii dambe qabsadeen kastamka degmadaas.

Maleeshiyada oo diiday in wax gaadiid ah ay ka gudbaan Xarfo ayaa la sheegay in ay ka gadoodsan yihiin labo nin oo ku baxay gacanta dowladda, kaddibna lala xaaliwaayay qabiiladii ay ka dhasheen.

Gaadiidka ilaa shalay ku xaniban kastamka degmada Xarfo ayaa u badan kuwo badeecado ka soo qaaday dekedda Boosaaso oo u socday gobolada dhexe ee Soomaaliya.

PUNTLAND POST

The post Boqolaal gaadiid ah oo 24 saac ee la soo dhaafay ku xaniban degmada Xarfo ee gobolka Mudug appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this