Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay Heshiis ay Wadagaleen Soomaaliya iyo Turkiga

Recommended Posts

Deeq A.   
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta guddoomiyey shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiiradda oo looga hadlay arrimaha Amniga dalka, Abaaraha, Shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka ee dhowaan qabsoomay iyo ansixinta heshiiska tababarka iyo iskaashiga dhinacyada caafimaadka ciidamadda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiya.
Golaha ayaa warbixinno la xiriira amniga iyo howlgallada ka socda dalka ee looga xorreynayo cadowga ka dhageystay Wasaarradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga, iyadoo goluhu boggaadiyey howlgallada ciidanka qaranka ee lagu beegsanayo goobaha ay argagixisadu ku dhibaateynayaan shacabka Soomaaliyeed.
Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyey heshiiska habmaamuuska ee u dhexeeya Xukuumadda Jamhuuriyadda Federalka ah ee Soomaaliya  iyo Xukuumadda Jamhuuriyadda Turkiya ee ku saabsan tababarka iyo iskaashiga dhinacyada caafimaadka ciidamada oo ay gudbisay Wasaaradda Gaashaandhigga.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ayaa shirka Golaha Wasiirrada u soo bandhigtay howlaha gurmadka abaaraha halka ay marayaan, waxayna mar kale ku celisay baaqii dowladda ee ku aaddanaa in gurmad lala gaaro shacabka la daalaa dhacaya abaaraha inta aysan isku badelin macluul.
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federalka ah ee Soomaaliya  Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa Golaha warbixin ka siiyey shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka ee dhowaan ku qabsoomay Muqdisho, kaa soo looga hadlay arrimaha mudnaan u leh Qaranka. waxuuna tilmaamay in guul laga gaaray qodobadii looga hadlay shirka intii uu soconayay.
305580995_485748100258468_19639079590009
305456593_485748373591774_16574442435491
301960065_485748273591784_44474484613933
302025728_485748240258454_64688615394791
305651992_485748216925123_50987951904397
May be an image of 3 people, people standing and indoorGoobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this