Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Duulista Hawada Soomaaliya oo la kulantay Guddiga Duulista hawada Afrika 

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Wasaaradda Gadiidka oo kulan la qaadatay Adefunke Adeyem, oo ah xog-hayaha guud ee guddiga duulista hawada Afrika (Africa Civil Aviation Commission (AFCAC).

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista hawada  Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xil; Fardowsa Cismaan Cigaal ayaa inta uu socday shirweynaha caalamiga ah ee duulimaadyada Afrika kulankiisa lixaad (Aviation Africa 2022) waxay kulan gaar ah la qaadatay ,Adefunke Adeyem oo ah xog-hayaha guud ee guddiga duulista hawada Afrika (Africa Civil Aviation Commission (AFCAC).

Labada mas’uul ayaa waxay kawada hadleen sidii loo horumarin lahaa nabad gelyadda duullimaadyada rayidka ah ee Soomaaliya.

Wasiir Fardowsa waxay sidoo kale la kulantay madaxa shirkadda duullimaadyada Rwanda Air, Yvonne Manzi Makolo oo ay ka dhageysatay warbixin la xiriirta aas aaska iyo marxaladihii ay soo martay shirkadda Rwanda Air, si dowladda Soomaaliya oo hadda ku howlan dib u soocelinta Somali Airline ay uga faa’iidaysato waayo-aragnimada Rwanda Air.

PUNTLAND POST

The post Wasiirka Duulista Hawada Soomaaliya oo la kulantay Guddiga Duulista hawada Afrika  appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this