Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Erdogan oo hanjaad u diray dalka Armenia

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Turkiga Tayyib Erdogan ayaa Arbacadii sheegay in hab-dhaqanka Armenia ee ku aaddan Azerbaijan uu yahay mid aan la aqbali karin, isla markaana ay ka dhalan doonto cawaaqib xumo weyn, kadib maalmo ay dagaal iskaga horyimaadeen labada dal ee deriska ah.

“Waxaan u aragnaa inay tahay wax aan la aqbali karin in xaaladdii dhacday ay sabab u tahay jabinta Armenia ay ku xad-gudbeen heshiiskii – la gaaray kadib dagaalkii (2020) ee Azerbaijan ku guuleysatay –,” ayuu Erdogan ka sheegay isu soo bax ka dhacay caasimadda Turkiga ee Ankara.

Armenia iyo Azerbaijan, oo tobannaan sano isku khilaafsanaa deegaanka Nagorno-Karabakh, ayaa midba midka kale ku eedeeyay inuu bilaabay isku dhacyo xuduudeed oo dhacay gelinkii dambe ee Isniintii.

Isku dhacyada ka socda isgoysyada la iskaga kala gudbo Yurub, Aasiya iyo Bariga Dhexe, ayaa soo jiidan kara quwado waaweyn sida Ruushka iyo Turkiga iyada oo khatar gelinaysa dhuumaha keena galbeedka saliidda iyo gaaska.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Erdogan oo hanjaad u diray dalka Armenia appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this