Sign in to follow this  
Deeq A.

Kumaandooska Danab oo burburiyay saldhigii ugu weynaa Al-shabaab ee degaanka Buq Aqable

Recommended Posts

Deeq A.   

kumaandooska xoogga dalka Soomaaliya ee Danab ayaa xalay degaanka Buq Aqable ee gobolka Hiiraan waxay ka fuliyeen howlgal qorsheysan oo lagu bartilmaameedsaday saldhigii ugu weynaa ee  Al-Shabaab ay ku lahaayeen degaankaas.

Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Gen Odawaa Yuusuf Raage oo saaka la hadlayay wakaaladda SONNA ayaa xaqiijiyay in howlgalkaas lagu dilay in ka badan 18 dagaallame oo ka tirsanaa Al-shabaab.

Sidoo kale howlgalka waxaa lagu burburiyay saldhigyo, xafiisyo iyo goobo kale oo Al-Shabaab ay ku lahaayeen degaanka Buq Aqable oo qiyaastii 90 KM Koofur uga beegan magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan sida uu sheegay Taliye Odawaa.

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya oo kaashanaya ciidamo beeleedyo hubaysan ayaa dhowaanahan hawlgallo ka dhan ah Al-shabaab waxay ka wadaan Gobolka Hiiraan.

PUNTLAND POST

The post Kumaandooska Danab oo burburiyay saldhigii ugu weynaa Al-shabaab ee degaanka Buq Aqable appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this