Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Cusub Ee Kenya Oo Aqoonsigii Kala Laabtay Jahmuuriyadda Aqoonsi Raadiska Ah Ee Sahrawi.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Nairobi)-Madaxweynaha dhowaan talada Kenya loo dhaariyey ee William Ruto ayaa aqoonsigii kala laabtay Jahmuuriyadda aqoonsi raadiska ah ee Sahrawi.

Dalkan ayaa ah waddan ku yaalla Waqooyiga Afrika isla jeerkaasna ka go’ay waddanka Morocco oo ilaa hadda aanu ka wada hoos bixin. Isaga oo xubinna ka ah midowga Afrika isla jeerkaasna aqoonsi ka haysta waddamo badan oo Qaaradda ah.

Sababta Gobolkan aqoonsiga loogala laabtay ayaa lagu sheegay in ay Kenya doonayso si ay u wanaajiso xidhiidhka ay la wadaagto dalka Morocco oo ay ka soo dhoofsato Bacrimiyeyaasha beeraha.

Boqortooyada Rabbaad ayaa si weyn ula dagaallanta cid kasta oo aqoonsi siisa Jamhuuriyadda Saxaraha.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this