Sign in to follow this  
Deeq A.

10 Qof Oo Lagu Dilay Weerar Dhinaca Cirka Ah Oo Ka Dhacay Caasimadda Gobolka Tigray Mekelle

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Mekelle)-10 qof ayaa lagu dilay Arbacadii weerar cirka ah oo ka dhacay caasimadda gobolka Tigray ee Itoobiya, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha cisbitaalka, iyada oo ciidammada TPLF ay ku eedeeyeen ciidammada deriska ah ee Eritrea inay mar kale ku biireen dagaalka ka dhanka ah.

Dowladda Itoobiya oo tan iyo dabayaaqadii 2020 dagaal kula jirtay Jabhadda Tigray-ga ayaan si degdeg ah uga jawaabin codsiyo ku saabsan duqeymaha cirka, dagaalka iyo joogitaanka ciidammada Eritrea.

Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Arbacadi duqaymahan ka gaystay magaalada Mekelle ayaa kusoo beegmay xili kooxda TPLF ay soo bandhigtay heshiis xabbad-joojin ah dhammaadkii toddobaadkan.

Dhibanayaasha Mekelle waxaa ka mid ah aabbe lagu dilay duqeyntii labaad iyo wiil uu dhalay oo dhakhtar ahaa, kaasoo dhaawacmay isagoo daryeelaya dhibbanayaasha, sida ay sheegtay Vasika Amdislasi, oo ah dhakhtar qalliin oo ka tirsan cisbitaalka Ayder Referral ee magaalada Mekele, waxaana duqeyntaas sidoo kale ku dhaawacmay 13 qof.

Shan ka mid ah dhibanayaasha ayaa dhintay intii loo sii waday cisbitaalka, sida uu xaqiijiyay Kipirum Gebrselassie, oo ah maamulaha guud ee Ayder. Isaga oo soo xiganaya isku duwaha xaaladaha degdegga ah ee Mekele, wuxuu sheegay in shan qof oo kale ay ku dhinteen isla goobta oo lagu magacaabo Dajem Amsal.

Iyadoo dagaalo ay ka socdaan qaybo badan oo ka tirsan gobolka Tigray iyo gobolka Axmaarada ee dariska la ah, ayaa taliyaha guud ee kooxda TPLF Tadesse Werede uu ku sheegay waraysi uu siiyay telefiishanka Tigray-ga salaasadii in millatariga Eritrea ay qabsadeen magaalada Shiraro oo u dhaw xadka.

Reuters.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this