Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Ukraine Zelenskyy Oo Dhaawac Fudud Ka Soo Gaadhey Shil Baabuur

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Ukraine)-Baabuurka Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa shil kula galay magaalada Kyiv arbacadii, sida ay saraakiishu sheegeen, balse dhaawac halis ah ma gaadhin.

“Madaxweynaha waxaa baaray dhakhtarkiisa, ma jiraan dhaawacyo halis ah oo soo gaarey,” sidaas waxaa sheegay afhayeenka Zelenskyy Serhii Nykyforov qoraal uu soo dhigay Facebook.

Nykyforov ayaa intaa ku daray in dhakhaatiirta la socotay madaxweynaha ay gargaar degdeg ah siiyeen isaga iyo darawalka gaadhiga kale.

Gaadhiga ku dhacay ka madaxweynaha ayaa la sheegay in uu ahaa mid shacab iska lee yihiin faahfaahin kale lagama bixin.

Maalintii Arbacadii, Zelenskyy wuxuu booqday magaalada Izyum maalmo kadib markii laga xorreeyay ciidammada Ruushka. Waxa uu ka qayb galay xaflad lagu taagayay calanka Ukraine.

Izyum waxay ku taalla gobolka waqooyi-bari ee Kharkiv, waxa ay ku dhowdahay gobolka lagu muransan yahay ee Donetsk waxayna xarun istiraatiiji ah u ahayd hammiga Ruushka ee aaggaas.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this