Deeq A. Posted September 14, 2022 Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa magacaabay la-taliyeyaal u qaabilsan arrimaha difaaca iyo dhismaha ciidanka. Gen. Maxamed Siciid Xirsi (Moorgan), Gen. Yasiin Cumar Dheere, Gen. Cabdishugri Cabdulaahi Xuseen, Gen. Siciid Cabdi Faarax (Tuutawayne) iyo Gen. Dayr Xaaji Cabdi ayaa loo magacaabay la-taliyayaasha difaaca iyo dhismaha ciidanka Puntland ee Xafiiska Madaxweynaha Puntland. Hoos akhriso wareegtada magacaabista Garoowe : 14 September 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 51 ee 14-ka Sibteembar 2022, kuna saabsan magacaabid La-taliyeyaasha Madaxweynaha ee Arrimaha Difaaca iyo Dhismaha Ciidanka.Madaxweynaha Dowladda PuntlandMarkuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.Markuu arkay: Aqoontooda iyo waayo-aragnimadooda ciidanaimo.Markuu arkay: Baahida loo qabo dhismaha iyo horumarinta Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland.Wuxuu xeeriyey:Waxaa Saraakiisha hoos ku xusan loo magacaabay La-taliyayaasha Difaaca iyo Dhismaha Ciidanka Puntland ee Xafiiska Madaxweynaha Dowladda Puntland.1. S/gaas. Maxamed Siciid Xirsi (Moorgan)2. S/gaas. Yasiin Cumar Dheere3. S/gaas. Cabdishugri Cabdulaahi Xuseen4. S/guuto.Siciid Cabdi Faarax (Tuutawayne)5. S/guuto. Dayr Xaaji CabdiXeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.DHAMMAAD PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo sameeyay magacaabis appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites