Sign in to follow this  
Deeq A.

Maleeshiyo Beeleed Ku Dagaalamaya Deegaan Ka Tirsan Gobolka Galgaduud

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaarayo gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay sheegayaan in maanta galinkii dambe uu dagaal ka qarxay deegaan lagu magacaabo  Laanqaylo oo u dhaxeeya degmooyinka Xeraale iyo Caabudwaaq ee gobalka Galgaduud.

Dagaalka ayaa waxaa uu u dhaxeeyaa  laba beelood oo deegaanka wada dega, walina ma cada khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalka u dhaxeeya beelahaan ka soo kala jeeda Cabudwaaq iyo Xeraale oo dhowr jeer hor u dagaalamay.

Gobolka Galgaduud ayaa waxaa inta badan ka dhaca dagaal beeleedyo, kaas oo inta badan ka dhasha dhul daaqsimeed iyo aanooyin qabiil, waxaan auu kusoo aadayaa xilli gobolka ay ka jirto abaar baahsan oo dadka iyo duunyada saameysay.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this