Sign in to follow this  
Deeq A.

Muxuu Xasan Sheekh ka sheegay caleema-saarka WILLIAM RUTO? + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online ) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Nairobi kaga qeyb-galay xafladda caleemo-saarka Madaxweynaha cusub ee dalka Kenya, Mudane William Samoei Ruto.

Xasan Sheekh ayaa kamid ah wafuud heer caalami ah oo ka qeyb-gelay xafladda caleemo-saarka, ayada oo ku wehlinayeen madaxweynaha wafdi ay kamid yihiin Agaasime ku-xigeenka Madaxtooyada iyo Wasiirada Wasaarada Arrimaha Dibedda, Amniga Gudaha, Warfaafinta iyo Ganacsiga.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay ahmiyada ay leedahay iskaashiga diblomaasiyadeed, dhaqaale, ganacsi iyo bulsho oo ay yeeshaan dalalka dariska, si looga adkaado dhibaatooyinka saboolnimada, cunna-yarida, faqriga, colaadaha, caqabadaha ka dhashay isbedelka cimillada ee saameeyey shucuubta gobolka iyo guud ahaan qaaradda Afrika.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa kamid ahaa madax goob joog u aheyd dhaarinta madaxweynaha cusub ee Kenya, William Ruto oo noqonaya madaxweynihii shanaad ee soo mara Kenya.

William Ruto, hoggaamiyaha xisbiga UDA ayaa ku guulaystay doorashadii dhacday 9-kii bishii Ogosto ee aynu soo dhaafnay.

Waxaa sidoo kale isna maanta xilka loo dhaariyey madaxweyne ku xigeenkiisa Rigathi Gachagua.

Ruto ayaa doorashada kaga adkaaday Raila Odinga oo markii shanaad xilkaas u tartamay, islamarkaana haystay taageerada madaxweynaha xilka ka degay Uhuru Kenyatta.

Madaxweynaha cusub ee Kenya ayaa waxa sugaya shaqooyin ay kamid yihiin mideynta shacabka Kenya, wax ka qabashada sicir-barar xooggan oo dalka ka taagan iyo sugidda amniga, ayada oo Kenya ay marar badan ka dhaceen weeraro ay sheegatay kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya.
305126198_470110705160074_59343339803819 Xasan-Geelle.jpeg?resize=696%2C480&ssl=1 306481259_470110711826740_81965371581160 306511276_470110831826728_19808489853223 303345648_470110778493400_51515576620127 305848368_470110865160058_52512014555204 305935819_470110895160055_50399264683977 304937343_470110745160070_31162566833038 Uhuru-Ruto.jpeg?resize=696%2C464&ssl=1

The post Muxuu Xasan Sheekh ka sheegay caleema-saarka WILLIAM RUTO? + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this