Sign in to follow this  
Deeq A.

Xasan Sheekh oo ka qeyb-galay caleemo-saarka William Ruto

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16630760193976138.jpg

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Nairobi kaga qeyb-galay xafladda caleemo-saarka Madaxweynaha cusub ee dalka Kenya William Samoei Ruto.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay ahmiyadda ay leedahay iskaashiga diblomaasiyadeed, dhaqaale, ganacsi iyo bulsho oo ay yeeshaan dalalka dariska, si loo adkaado dhibaatooyinka saboolnimada, cunna yarida, faqriga, colaadaha, caqabadaha ka dhashay isbedelka cimillada ee saameeyey shucuubta gobolka iyo guud ahaan qaaradda Afrika.

FB_IMG_16630760015073666.jpg

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka mid ah wafuud heer Caalami ah oo ka qeyb-gelay xafladda Caleemo-saarka Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda ee Kenya Mudane William Samoei Ruto.

Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa ku wehelinayey munaasabaddan wafdi ay ka mid yihiin, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Abshir Cumar Huruuse, Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Mudane Maxamed Axmed Cali Doodishe, Wasiirka Wasaaradda Gamacsiga iyo Warshad
aha Mudane Jabriil Cabdirashiid Xaaji, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Daa’uud Aways Jaamac iyo Agaasime Ku-xigeenka Madaxtooyada Mudane Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan.

PUNTLANND POST

The post Xasan Sheekh oo ka qeyb-galay caleemo-saarka William Ruto appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this