Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Masar Oo 8 Sanno Kadib Maanta Booqasho Ku Tagaya Dalka Qatar

Recommended Posts

Deeq A.   

Warbaahinta Masar iyo Carabaha kale ayaa waxa ay baahiyeen in Madaxweynaha Masar Abdel Fattah El-Sisi uu booqasho laba maalmood ah maanta oo salaasa ah ku tagi doono magaalada Dooxa, halkaas oo uu wadahadallo kula yeelan doono Amiirka Qatar Tamim bin Hamad Al Thani.

Waa booqashadii ugu horreysay ee Madaxweyne Sisi uu ku tago Qatar tan iyo markii uu qabtay xilka madaxtinimada Masar qiyaastii 8 sanno.

Amiirka Qatar ayaa dhammaadkii bishii June ee ina dhaaftay booqasho ku tagay magaalada Qaahira, waxaana uu wadahadallo laba geesood ah la yeeshay Madaxweynaha Masar, waxaana xigay wadahadalo dheeri ah oo dhex maray wufuud ka kala socotay labada dal.

Waqtigaas, wadahadalada waxaa ka mid ahaa faylasha dhaqaalaha ee tamarta iyo qaybaha beeraha iyo kor u qaadida qulqulka maalgashiga Qatar ee Masar, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay madaxtooyada Masar.

Qatar ayaa tan iyo bilowgii sannadkan sameysay maal-gashi lagu qiyaasay ilaa shan bilyan oo dollar.

Booqashada labada dal ee Qaahira iyo Dooxa ayaa timid ka dib markii uu dhammaaday khilaaf horraantii sannadkii hore u dhexeeyay Qatar oo dhinac ah iyo Masar, Sacuudi Carabiya, Imaaraadka iyo Baxrayn oo iyagana isku dhinac ahaa.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this