Sign in to follow this  
Deeq A.

Aqalka Cad Oo Soo Dhaweeyay Hadal Kasoo Yeedhay TPLF

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington)-Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalka Mareykanka ayaa Isniintii sheegay inay soo dhaweynayaan hadal kasoo yeedhay ciidammada ku sugan waqooyiga gobolka Tigray ee dalka Itoobiya oo sheegay inay aqbali doonaan geeddi-socod nabadeed oo uu hoggaamiyo Midowga Afrika.

“Waxaa la joogaa waqtigii labada dhinac ay joojin lahaayeen dagaalka oo ay u soo jeesan lahaayeen wadahadal, si ay u xalliyaan khilaafkooda,” ayay tidhi afhayeenka Aqalka Cad, Karine Jean-Pierre oo suxufiyiinta kula hadashay diyaaradda Air Force One.

Waxay sheegtay in Itoobiya ay tahay inay “ka faa’iidaysato xilligan si ay nabadda fursad u siiso” iyo sidoo kale in “Eritrea iyo kuwa kaleba inay tahay inay ka fogaadaan colaadda Itoobiya.”

Xoogagga TPLF ee dalka Itoobiya, oo dagaal kula jira dowladda dhexe muddo ku dhow laba sanno, ayaa Axaddii sheegay inay diyaar u yihiin xabbad-joojin ayna aqbali doonaan geeddi-socod nabadeed oo Midowga Afrika uu hoggaaminayo.

“Waxaan diyaar u nahay inaan si degdeg ah oo wadajir ah u joojino dagaalka,” ayay ciidammada Tigreegu ku sheegeen warsaxaafadeedkoodaa.

Reuters.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this