Sign in to follow this  
Deeq A.

Maraykanka oo soo dhoweeyay war ka soo baxay Fallaagada Tigray ee Itoobiya

Recommended Posts

Deeq A.   

Aqalka Cad ee dalka Mareykanka ayaa soo dhoweeyay hadal ka soo yeeray fallaagada Tigray ee ku sugan waqooyiga gobolka Itoobiya oo sheegay inay aqbali doonaan geeddi-socod nabadeed oo uu hoggaamiyo Midowga Afrika.

“Waxaa la joogaa waqtigii labada dhinac ay joojin lahaayeen dagaalka oo ay u soo jeesan lahaayeen wadahadal, si ay u xalliyaan khilaafkooda,” ayay tiri afhayeenka Aqalka Cad, Karine Jean-Pierre oo suxufiyiinta kula hadashay diyaaradda Air Force One.

Waxay sheegtay in Itoobiya ay tahay in ay ka faa’iidaysato xilligan si ay nabadda fursad u siiso sidoo kalena in Eritrea ay tahay in ay ka fogaadaan colaadda Itoobiya.

Xoogagga TPLF ee dalka Itoobiya, oo dagaal kula jira dowladda dhexe muddo ku dhow laba sano, ayaa Axaddii sheegay in ay diyaar u yihiin xabbad-joojin ayna aqbali doonaan geeddi-socod nabadeed oo Midowga Afrika uu hoggaaminayo.

PUNTLAND POST

The post Maraykanka oo soo dhoweeyay war ka soo baxay Fallaagada Tigray ee Itoobiya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this