Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa ka jiro inuu xumaaday xiriirka dowladda dhexe iyo Galmudug?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka DG Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa sheegay in uu wanaagsan yahay xiriirka Dowlad-Goboleedkaas & Dowladda Federaalka ka dhaxeeya, wadashaqeyn wanaagsanna kala dhaxeysa Dowladda.

Ciid waxa uu tilmaamay in Galmudug marweliba ay u taagan tahay xoojinta Dowlada Dhexe iyada oo tusaale loosoo qaadan karo Shirarkii udub-dhexaadka u noqday doorashooyinkii dalka ka dhacay.

Madaxweyne ku xigeenka DG Galmudug Cali Daahir Ciid Waxa uu difaacay go’aankii Wasiirada Maaliyadda Dowlad-Goboleedyada ka qaateen Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka sabab ka dhalatay hab qaybsiga lacagaha kabka ah.

“Xiriirka Dowladda Dhexe & DG Galmudug wuu wanaagsan yahay, Galmudug waxa ay door wanaagsan ka qaadatay doorashadii dalka ka dhacday oo waxa ay martigelisay Shirarkii ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb, go’aankii Wasaaradda maaliyadda ee Dowlad-Goboleedayda waxa uu salkiisu ahaa ” Cali Daahir Ciid.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid oo dhowaan saluugay Magacaabista Golaha Wasiirada iyo sida loogu saleeyay hab qaybsiga Beelaha ayaa sheegay in ay kawada hadleen arrintaas Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka socda shir u dhaxeeyo dowladda dhexe iyo madaxda maamul goboleedyada, waxaana la filayaa in lagu soo afjaro mad madowga u dhaxeeya.

The post Maxaa ka jiro inuu xumaaday xiriirka dowladda dhexe iyo Galmudug? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this