Sign in to follow this  
Deeq A.

Qoor Qoor ma qaadi doonaa jidkii Axmed Madoobe iyo Lafta Gareen?

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Xildhibaannada baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug ayaa maanta kulan xasaasi ah ku leh magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud, waxaana jira shaki weyn oo hareeyey ajendaha kulanka maanta.

Xildhibaannada golaha wakiilada Galmudug ayaa maanta dood adag ka yeelan doono qorshaha dib u eegista dastuurka Galmudug, kadib soo jeedin ka timid, xubnaha guddiga dastuurkaa, dib u heshiisiinta iyo arrimaha gudaha ee baarlamaanka Galmudug.

Intaasi ka dib guddiga joogtada ee baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa go’aamiyey in arrintaan loo gudbiyo golaha oo isla maanta ka doodaya.

“Guddiga dastuurka, dib u heshiisiinta iyo arrimaha gudaha ee baarlamaanka ayaa soo jeediyey qorshe wax looga beddelayo dastuurka Galmudug, dood iyo falanqeyn kadib, guddiga joogtada ee baarlamaanka Galmudug ayaa go’aamiyay in 12 September la horgeeyo qorshaha wax ka beddelka gastuurka Golaha Guud ee Baarlamaanka Galmudug, ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay guddiga soo diyaariyey ajendaha kulanka maanta.

Qoor Qoor ma qaadi doonaa waddadii Axmed Madoobe iyo Lafta Gareen?

Dhaq-dhaqaaqa xildhibaannada baarlamaanka Galmudug  waxaa ka dhashay shaki xoogan, ayadoo laga cabsi qabo ‘in goluhu uu ku dhowaaqo muddo kordhin horleh oo loo sameeyo’ madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor), si la mid ah hoggaamiyeyaasha dowlad goboleedka Jubbaland iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya oo min hal sanno loogu daray.

Haddii baarlamaanka Galmudug ka dhabeeyo arrintaan ayaa waxa ay sii kici doontaa buuqa ka dhashay muddo kororsiga ay dhowaan sameysteen qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada, walow illaa iyo hadda aysan ka hadlin dowladda federaalka Soomaaliya

Si kastaba, dhaq-dhaqaaqyada ka socdo Dhuusamareeb ayaa ku soo aadayo, xilli haatan madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka ay ku shirsan yihiin magaalada Muqdisho, kuwaas oo ka hadlay xaaladda dalka iyo arrimaha soo koddhay.

The post Qoor Qoor ma qaadi doonaa jidkii Axmed Madoobe iyo Lafta Gareen? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this