Sign in to follow this  
Deeq A.

Midowga Afrika iyo Shiinaha oo iska kaashanaya Sayniska Hawada Sare

Recommended Posts

Deeq A.   

Mas’uulkan ka tirsan Midowga Afrika ayaa sheegay in iskaashiga sayniska hawada sare ee Shiinaha iyo Afrika ay ka faa’iideysanayaan dhallinyarada Afrika.
Cirbixiyeennada Shiinaha ee ku sugan hawada sare ayaa wadahadalo khadka internetka la yeeshay dhalinyarada Afrikaanka ah, dabayaaqadii todobaadkii hore.

Guddoomiyaha Midowga Afrika ee Waxbarashada, Sayniska, Tignoolajiyada iyo Hal-abuurka, Mohamed Belhocine ayaa sheegay in wada-hadalladani ay kicinayaan riyada hawada sare ee dhallinyarada Afrika, waana ballaarinta iskaashiga dhinaca sayniska iyo tiknoolajiyada ee Shiinaha iyo Afrika, sidoo kale waxay keenaysaa iskaashiga mustaqbalka.

Waxa uu sheegay in Golaha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika uu dhiirigelinayo horumarinta cilmiga hawada sare iyo teknolojiyadda ee Shiinaha iyo Afrika, isla markaana ay Afrika ka caawiyaan in ay fuliso hammigeeda dhinaca sayniska iyo tiknoolajiyada hawada sare.

Waxa uu intaa ku daray in Shiinuhu uu leeyahay xarun hawada sare oo u gaar ah, sidaa awgeed ay jirto fursad iskaashi iyo is dhaafsi khibradeed, waxa kale oo ay Afrika ka caawin kartaa in ay hesho dariiqa sayniska hawada sare.

Wuxuu ku nuux-nuux saday in guusha uu Shiinuhu gaaray ay tahay mid mudan in la bogaadiyo, maadaama ay tahay horumar wanaagsan oo ay ka faa’iideysanayaan bulshada caalamka.

PUNTLAND POST

The post Midowga Afrika iyo Shiinaha oo iska kaashanaya Sayniska Hawada Sare appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this