Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Beesha Mareexaan oo dalab xasaasi ah hor dhigtay guddoomiyaha Gobolka Banaadir

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Midnimada ee beesha Mareexaan oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa taageero u muujiyey guddoomiyaha cusub ee gobalka Banaadir Yuusuf Madaale.

Golahaan ayaa cadeeyey in beesha Mareexaan ay xuquuq uga maqan tahay awood qeybsiga gobolka Banaadir, iyagoo guddoomiyaha cusub ka dalabaday in xuquuqdaas uu meel u saaro.

“Soo dhaweyn kadib guddoomiye waxaan halkaan kaaga soo jeedineynaa baaq, sidaa ogtahay burburkii kadib dowladihii dalka soo maray beesha Sade, wax xuquuq ah kama helin magaaladaan Muqdisho, markii la eego beelaha kale iyo saameynta aan ku leenahay magaaladaan waa muhiim in beesha Mareexaan ay xaq ku yeelato caasimadda,” ayuu yiri mid ka mid ah odayaashii hadlay.

Guddoomiyaha golaha midnimada Mareexaan ee gobolka Banaadir Nabadoon Cabdiraxmaan Maxamed Ismaaciil ayaa sidoo kale kulankii maanta ka hadlay wuxuuna guddoomiyaha cusub ka dalbaday in beesha uu xaqeeda ka siiyo gobolkaan guddoomiyaha looga dhigay.

“Guddoomiye maamulkaagii hore beeshu waxay mudneyd kama helin, waxaan qabnaa hadii dadka reer Muqdisho la xisaabiyo in guddoomiye ku xigeenka koowaad aan yeela doono,” ayuu yiri guddoomiye Mareexaan ee Muqdisho.

Hoos ka daawo

The post Daawo: Beesha Mareexaan oo dalab xasaasi ah hor dhigtay guddoomiyaha Gobolka Banaadir appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this