Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland: Qarax khasaare geystay oo dhacay Milxo

Recommended Posts

Deeq A.   
20220911_204315.jpg

Inta la xaqiiniyay 5 qof ayaa ku dhimatay tiro intaas ka badana waa ku dhaawacmatay qarax maqribkii ka dhacay tuulada Milxo oo ku taalla buuraleyda Calmdaow ee gobolka Sanaag.

Qaraxa ayaa ka dhacay meel meherad ah, oo sida la sheegay lagu aasay, waxaana dadkii ku dhaaamacmay loo qaaday dhanka Boosaaso, inkastoo aysan weli gaarin cisbitaallada magaaladaas.

Waxaa yar wararka laga heli karo tuulada Milxo, iyadoo inta badan isgaarsiinta deegaankaas ay tahay mid aan la heli karin.

Deegaanka Milxo ayaa laga qodaa dahabka, waxaana mararka qaar ka dhaca shaqaaqooyin la xiriira qodista dahabka, sidoo kale waxaa deegaankaas saameyn ku leh Al-shabaab.

PUNTLAND POST

The post Puntland: Qarax khasaare geystay oo dhacay Milxo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this