Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Josep Borrell oo soo gaaray Muqdisho – Muxuu Xasan Sheekh ka dalbaday?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa garoonka Aadan Cadde ku qaabilay Wakiilka Sare ee Midowga Yurub ee Arrimaha Siyaasadda iyo Amniga Josep Borrell oo maanta Muqdisho yimid.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Josep Borrell, oo safarkiisa ay si gaar ah saaka u shaacisay Caasimada Online, ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo taageerada Midoowga Yurub ee Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa ka warbixiyey qorshaha dowladda ee xaslinta dalka, dib u dhiska ciidamada, abaaraha, ka hortaga macluusha, xoreynta deegaannada ay dadka Soomaaliyeed ku dhibaateynayaan argagixisada alshabaab iyo hirgelinta Soomaali heshiis ah, kana gudubta xaaladaha cakarin ee ka jira dalka. 

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in lagu garab istaago dowladda Soomaaliyeed qorsheyaasha horumarineed, laguna dhiirri geliyo tallaabooyinka hor-u-socodka ah ee ay qaadeyso oo salka ku haya daris-wanaagga, iskaashiga iyo isku duubnida dhaqaale, amni iyo siyaasadeed. 

Dhankiisa, Wakiilkla Sare ee Midowga Yurub ee Arrimaha Siyaasadda iyo Amniga Josep Borrell ayaa ku bogaadiyey Madaxweyne Xasan Sheekh sida ay uga go’an tahay xal u helista caqabadaha ay la tacaalayaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan abaaraha iyo amni darrada. 

Soomaaliya ayaa ka codsatay Midowga Yurub in ay gacan xooggan ka geystaan ka hortagga xaalufka deegaanka, hubka sharci darrada iyo jariifka badda Soomaaliyeed, iyadoo dib loo dardar gelinayo dhismaha Ciidamada Badda, si dowladdu ay u xakameyso xuduudaha badeed ee Jamhruuiyadda Federaalka Soomaaliya. 

Waa markii ugu horreysay ee Josep Borrel uu yimaado Muqdisho, waana sarkaalkii ugu sarreeyey Midowga Yurub ee soo gaara caasimadda.
306470472_468456155325529_67661746075593 Xasan-Sheekh-Josep-Borrell.jpeg?resize=6 306469759_468457025325442_51517574783072 Josep-Borrell.jpeg?resize=696%2C464&ssl= 306279255_468456031992208_49665953357719 306356841_468456958658782_83372176139234 306386803_468456925325452_25657845228878

The post Sawirro: Josep Borrell oo soo gaaray Muqdisho – Muxuu Xasan Sheekh ka dalbaday? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this