Sign in to follow this  
Deeq A.

Deni oo aaladda fogaan aragga uga qeyb-galay shirka Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16629046124928861.jpg

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho.

Shirkan oo muddo labo maalmood ah socon doona ayaa la sheegay Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Dowlad-Goboleedyada dalka in ay ku lafo-guri doonaan sugidda amniga dalka, wax ka qabashada saameynta abaaraha iyo la dagaallanka argagixisada.

FB_IMG_16629045627501680.jpg

Shirka waxaa ka qeyb galayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre Madaxweynayaasha Dowlad-goboleedyada Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Koonfur-galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, Hiirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo uga qeyb-galay aaladda fogaan aragga.

PUNTLAND POST

The post Deni oo aaladda fogaan aragga uga qeyb-galay shirka Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this