Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay wafdi ka socday IOM

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1662894922115.jpg

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday hey’adda IOM, oo ay hoggaamineysay Ku Xigeenka Agaasimaha Guud ee IOM, Amy Pope.

Xubnaha wafdiga oo ay ka mid ahaayeen Agaasimaha IOM ee gobolka iyo Madaxa hey’adda ee Soomaaliya ayaa waxa ay warbixin ka siiyeen Ra’iisul Wasaaraha, hawlaha kala duwan ee ay ka wadaan dalka.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa uga mahadceliyay dadaalka iyo hawsha ay hey’adda IOM ka waddo Soomaaliya, isaga oo ballanqaaday in hey’adaaha dowladdu ay wada shaqeyn dhow la sameyn doonaan – gaar ahaan xilligan lagu jiro gurmadka abaaraha.

PUNTLAND POST

The post Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay wafdi ka socday IOM appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this