Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo saxiixay buugga tacsida ee Boqorad Elizabeth II

Recommended Posts

Deeq A.   
IMG_20220911_142236-1440x959.jpg

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo maanta tagay safaaraadda Ingiriiska ee Muqdisho ayaa saxiixay buugga tacsida ee Boqorad Elizabeth II, isagoo tacsi u diray Boqor Charles III iyo qoyska boqortooyada.

Today, H.E. @HamzaAbdiBarre paid his respects & signed a book of condolence at the British Embassy in Mogadishu — in memory of Her Majesty Queen Elizabeth ll. The PM extended his deepest sympathies to His Majesty King Charles III and the Royal Family during this time of grieving. pic.twitter.com/rFq7XhSIQi

— SomaliPM (@SomaliPM) September 11, 2022

Elizabeth II ayaa khamiistii la soo dhaafay geeriyootay, waxayna 70 sano ahayd Boqoradda Boqortooyada Midowday. Sanadkii 1952 ayaa la caleemosaaray kaddib dagaalkii labaad ee adduunka. Curadkeeda, Charles, ayaa noqday Boqor Charles III.

Boqorad Elizabeth oo odaygeedii sanadkii hore geeriyooday, waxay ahayd boqoraddii ugu taliska dheereyd dalka Biritayn. May lahayn kaalin siyaasadeed hase ahaatee dowladdu waxay la socodsiin jirtay iyada xaaladaha ka taagan dunida. Waxaa lagu ammaanay kaalinta ay ka geysatay isu soo dhoweynta dadka kala dhaqanka iyo caqiidooyinka ah.

Tan iyo 1992 isbeddellada ayaa ku dhacay House of Windsor oo ah magaca qoyska boqortooyada. Bishii Juun ayay u dabbaaldagtay 70 guurada taliskeedii la soo jaanqaaday isbeddelo waaweyn oo dunida ka dhacay.

PUNTLAND POST

The post Ra’iisul Wasaare Xamse oo saxiixay buugga tacsida ee Boqorad Elizabeth II appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this