Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Laftagareen oo Lagu Soo Dhoweeyay Magaalada Caasimadda ah Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka. Waxaa Garoonka diyaaradaha Aadan Abdule kuso dhoweyey wasiirro,xildhibaanno iyo qaar kamid ah bulshada caasimadda.

Madaxweynayaasha Jubbaland Axmed Madoobe iyo Hirshabeelle Cali Guudlaawe ayaa horay u soo gaaray caasimadda, waxaana lagu wadaa in ay ka qeyb galaan shirka wadatashiga dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, kaas oo isugu yeeray madaxweynaha Jamhuuriyadda Xasan Shiikh Maxamuud, iyadoo looga hadlayo arrimo dhowr ah.

Madaxweynayaasha maamullada Galmudug, iyo Puntland ayaa dhankooda lagu wadaa in ay soo garaan magaalada Muqdisho, shirka arrimaha ugu waaweyn oo looga hadlayo ayaa waxaa ka mid ah arrimaha amniga dalka iyo xaaladda Abaaraaha taas oo dad iyo duunyo saameysay.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this