Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya oo bil kadib yeelanaysa dekedii shanaad oo rasmi ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Garacad (Caasimada Online) – Bisha soo socoto ayaa la filayaa in si rasmi ah loo furo dekadda Garacad iyadoo la filayo inay abuurto ganacsi cusub oo isku xiri doono gobolka Koonfur-bari ee Itoobiya iyo Soomaaliya, gaar ahaa maamul goboleedka Puntland.

Dhismaha dekaddaaan iyo qorshooyin kale oo horumarin ah ayaa qeyb ka ah qorshe maalgashi oo ay ku baxayso lacag dhan 531 milyan oo doolar oo loogu talagalay in lagu kobciyo dhoofinta xoolaha, kalluunka, macdanta iyo badeecadaha beeraha.

Sida uu sheegay Siciid Faadhi oo ah madaxa shirkadda dhisaysa dekeda waxay awood u yeelan doontaa inay ku soo xirtaan maraakiib dhan 40,000 oo tan oo konteenar ah labada janbi ee ugu horeeya oo hadda si buuxda loo dhameystiray.

Saciid ayaa sidoo kale sheegay in 2 janbi oo kalana ay hadda shaqo ku socoto kana dhigi doona Dekad afar janbi ah taas oo ka dhigan in dekadaan ay noqon doonto tii  2-aad ee ugu weyn guud ahaan Soomaaliya.

Sidoo kale,  dekaddaan ayaa noqoneyso meeshii shanaad ee geeska Afrika ee laga helo biyaha gunta hoose oo marin u ah badweynta Hindiya, balse waa tan ugu dhow dalka Itoobiya xaga dekadaha badweynta Hindiya oo ah dal aan bad lahayn oo ay ku nool yihiin 115 milyan oo qof.

Soomaaliya waxay dhoofisay $1.5 bilyan oo badeecooyin iyo adeegyo ah sanadka 2021, saddex meelood meel ahaan waa xoolo, sida lagu sheegay xogta dowladda. Taasi waxay ahayd koror 30% ah sannadkii hore.

Soomaaliya ayaa rajeeneyso inay guul ka gaarto gaaro howlgallada ka dhanka ah burcad badeeda si ay ugaa faa’ideysato maraakiibta dooneyso inay badeeda isticmaasho.

Dowladaha qaar ee adduunka ayaa badda Soomaaliya u aqoonsaday inay tahay meel halis ah oo aan lagu soo dhiiran karin.

The post Soomaaliya oo bil kadib yeelanaysa dekedii shanaad oo rasmi ah appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this