Sign in to follow this  
Deeq A.

Diyaaradaha Mareykanka Oo Dad Shacab Ah Ku Laayay Duqeyn Ka Dhacday Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa duqeyn dhinaca cirka ah oo diyaarasaha aan duuliyaha leheyn ee Mareykanka ay la geysteen dalka Soomaaliya gaar ahaan gobolka Sh. Hoose, iyadoo duqeyntaasi dad shacab ahaa khasaare xooggan lagu gaadhsiiyay.

Duqeynta oo dhacday Jimcihii shalay ayaa lala eegtay beer ku taalla deegaanka Mubaarak Ee Degmada Awdheegle, halkaas oo ay ku shirayeen dad u badan gaadiidley ka dhex shaqeysata gobolada Banaadir iyo Sh. Hoose.

Mid kamida dadka deegaanka ayaa warbaahinta Dalsan ee magaalada Muqdisho u sheegay in weerarkan uu sababay dhimashada Shan qof iyo dhaawaca toban qof oo kale oo shacab ah, iyadoo dadka dhaawacyada ah oo qaarkood xaaladooda ay adag tahay loo soo qaaday magaalada Muqdisho.

Duqeyn tan lamid ah oo sannadkii hore ka dhacday deegaanka Daaru Salaam ee isla degmada Awdheegle ayaa lagu dilay saddex qof oo walaalo ahaa, iyadoo Mareykanka dhowr jeer oo hore looga digay beegsiga dadka shacabka ah.

Hay’ada xuquuqul insaanka ee Human Rights Watch ayaa bishii May ee sannadan ciidamada Mareykanka ee dib loogu soo celiyay Soomaaliya ka digtay iney duqeymohooda ku waxyeeleeyaan dadka shacabka ah, iyadoo walaacii ay qabeen durba ay soo shaac baxeen, maadaama diyaaradaha Mareylanka ay shavab ku laayeen Sh. Hoose.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this