Deeq A. Posted September 10, 2022 Madaxweynaha dowlad gobaleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka. Axmed Madoobe, ayaa xamar kaga qayb galaya shirka wadatashiga dowladda federaalka iyo dowlad gobaleedyada dalka, kaas oo lagu wado in uu ka furmo caasimadda bero oo Axad ah. Shirka ayaa la filaya in uu magaalada Muqdisho ka furmo maalinta beri oo Axad ah, waxaana soo xaadiri doona kulanka Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni, Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo Madaxweynaha Koonfur-galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites