Sign in to follow this  
Deeq A.

Xoghaya guud ee Qaramada Midoobay oo booqasho ku tegay dalka Pakistan

Recommended Posts

Deeq A.   

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa booqasho ku tegey dalka Pakistan.

Safarka Guterres ayaa lagu sheegay mid garab istaag loogu muujinayo waddanka Pakistan oo la tacaalaya dhibaatada ka soo gaartay daadad ku fatahay dalkaas.

Antonio Guterres ayaa sheegay in ka dib markii ay aadanuhu u nixi waayeen deegaanka inay taasi keentay masiibooyinkan oo ah falcelinta uu sameeyey deegaanku.

Xoghayaha Guud ayaa muddo laba maalmood ah ku sugnaan doona dalka Pakistan si uu u indha-indheeyo xaaladda bini’aadanimo ee halkaas ka jirta.

Xoghayaha ayaa sheegay in dalka Pakistan uu ka mid yahay meelaha sida daran ay u saameeyeen cawaaqibka ka dhashay isbedelka cimilada.

The post Xoghaya guud ee Qaramada Midoobay oo booqasho ku tegay dalka Pakistan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this