Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay hawlgal lagu beegsay Al-shabaab oo waxyeello ka soo gaartay dad shacab ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Soomaaliya ayaa war ka soo saartay hawlgal qorshaysan oo Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee dowladdu ka fuliyeen degaanka Mubaarak oo ka tirsan Gobolka Shabeellada hoose.

Qoraal ka soo baxay wasaaradda Warfaafinta dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in hawlgalka  lagu beegsaday xarun ay leeyihiin dagaallamayaasha Al-shabaab.

Dowladda Soomaaliya waxay sheegtay in hawlgalkaas lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab halka qaar kalena lagu dhaawacay.

Dad shacab ah oo Al-shabaab af-duub u haysteen ayaa sidoo kale waxyeello ka soo gaartay hawlgalka sida ay xaqiijisay dowladda.

1-3.jpg

PUNTLAND POST

The post Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay hawlgal lagu beegsay Al-shabaab oo waxyeello ka soo gaartay dad shacab ah appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this