Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Madaxweyne Xasan Sheekh oo kadib salaaddii Jimcaha si wadajir ah ugu…

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo wehlinayaan Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xamse Cabdi Barre iyo masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha dowladda ayaa maanta salaadda Jimcaha ku oogay Masjidka Shuhadaa ee Madaxtooyada Qaranka.

Sidoo kale waxa ku wehlinayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe, waxayna madaxda Alle ka baryeen in uu ka dulqaado dalkeen abaarta iyo dhibaatooyinka kale ee la tacaalayaan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu Alle ka baryey in uu mideeyo quluubteenna, naguna mannaysto naxariistiisa iyo roobab ay ku diirsadaan dadka, xoolaha iyo deegaanku.

Saameynta ka dhalatay Abaarta ka jirta Soomaaliya ayaa sabab u noqotay in kumanaan Caruur ah la soo daristo Nafaqo darro, taasi oo ka dhalatay xaaladda abaaraha ka jira dalkeena.

Ergeyga ayaa dhowr jeer ugu baaqay hay’addaha Qaramada Midoobay iyo kuwa kale ee gargaarka bani’aadanimo ka shaqeeya in ay gurmad deg-deg ah u fidiyaan caruurta nafaqo darradu hayso iyo waalidiintooda abaartu saamaysay.

Qaramada Midoobay ayaa dhankeeda kal hore soo jeedisay in lagu dhowaaqo in Soomaaliya ay gashay xaalad macluul ah, sababo la xiriira abaaraha ka jira dalka, hase yeeshe waxaa arrintaas diiday dowlada Xasan Sheekh, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in QM ay ku cadaadineyso dowladda inay ogolaato in lagu dhowaaqo in Soomaaliya ay ka jirto macluul, balse taasi waxaa diidan madaxda dowladda federaalka oo sheegaya in xaaladda abaarta aysan gaarin heer macluul.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa waxaa ka jirta Abaar aad u daran, taasi oo saameysay dadka iyo duunyada, deegaannada qaar ayaa laga soo warinayaa in dadka ku sugan ay la’yihiin waxa ay cabaan halka kuwa kale ay ka baro kaceen deegannadii ay degnaayeen.

 

306034140_466992122138599_30272302008049 306085132_466992202138591_50701600050888 305963086_466992162138595_31200792625922 306149169_466992185471926_72880514472225 305969043_466992175471927_26578294269031 306223985_466992118805266_66642734857901

The post Sawirro: Madaxweyne Xasan Sheekh oo kadib salaaddii Jimcaha si wadajir ah ugu… appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this