Sign in to follow this  
Deeq A.

Wefdi ka socda Soomaaliya oo u amba-baxay magaalada Qaahira iyo Jeedka Safarkooda

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa Maanta Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ka ambabaxay Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Soomaaliya Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed iyo wefdi uu hoggaaminayayn oo ka sii jeeda dalka Masar.

Guddoomiye Baashe Yuusuf ayaa Magaalada Qaahira ee Caasimadda dalka uga qeyb galaya shirka lixaad ee heerkiisu sarreeyo ee Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Sare, kuwa Dastuuriga ah iyo Goleyaasha Dastuuriga ah ee Afrika.

Shirka ayaa sida uu qorshahu yahay furmaya maalinta berri oo sabti ah isla markaana waxaa uu socon doonaa laba maalmood waxaana diirada lagu saaraya hannaan hufnaanta xukunka Maxkamadeedka iyo isdhaafsiga waayo aragnimada Garsoorayaasha Afrika.

Dowladda Masar ayaa inta badan martigelisa shirkan waxayna muhiimadu tahay sidii iskaashi iyo wada shaqeyn buuxda u dhexmari lahayd Garsoorayaasha dalalka Afrika iyadoo la soo gaba gabeyn doono shirka maalinta Axada oo ay taariikhdu tahay 12-ka September.

PUNTLAND POST

The post Wefdi ka socda Soomaaliya oo u amba-baxay magaalada Qaahira iyo Jeedka Safarkooda appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this