Deeq A. Posted September 9, 2022 Ugu yaraan 8 qof oo tahriibayaal ah ayaa dhintay 15 kalena waa la la’yahay kadib markii dooni ay la socdeen ay ku degtay xeebaha Tunisia khamiistii. Tahriibayaasha ayaa isku dayayeen in ay ka gudbaan badda Mediterranean-ka una sii gudbaan dalka Talyaaniga, sida ay sheegtay Idaacadda Monastir ee dawladda. Ciidamada ilaalada xeebaha ayaa soo badbaadiyay 14 qof oo tahriibayaal ah oo la socday dooni buux dhaaftay, taasi oo ku degtay magaalada Chebba ee gobolka Mahdia. Sarkaal ka tirsan laamaha ammaanka ayaa sheegay in doonidu ay toddobaadkan kasoo baxday xeebta Ceel-awabed ee gobolka Sfax. Boqolaal kun oo qof ayaa sannadihii u dambeeyay safar halis ah ku galay badda Mediterranean-ka. PUNTLAND POST The post Tahriibayaal ku dhintay badda Mediterranean-ka appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites