Sign in to follow this  
Deeq A.

Boqorad Elizabeth II oo geeriyootay

Recommended Posts

Deeq A.   
IMG-20220909-WA0001.jpgBoqorad Elizabeth II waxay joobgoog u ahayd isbeddello waaweyn oo dunida ka dhacay tan iyo dagaalkii labaad ee dunida.

London (Wararka PP) — Dhowr saacadood ka hor. Qasriga Buckingham ayaa warbaahinta la wadaagay geerida Boqorad Elizabeth II oo 70 sano ahayd Boqoradda Boqortooyada Midowday. Sanadkii 1952 ayaa la caleemosaaray kaddib dagaalkii labaad ee adduunka. Curadkeeda, Charles, ayaa noqday Boqor Charles III.

IMG-20220909-WA0000.jpgBoqorad Elizabeth II oo yar.

Boqorad Elizabeth oo odaygeedii sanadkii hore geeriyooday, waxay ahayd boqoraddii ugu taliska dheereyd dalka Biritayn. May lahayn kaalin siyaasadeed hase ahaatee dowladdu waxay la socodsiin jirtay iyada xaaladaha ka taagan dunida. Waxaa lagu ammaanay kaalinta ay ka geysatay isu soo dhoweynta dadka kala dhaqanka iyo caqiidooyinka ah.

Tan iyo 1992 isbeddellada ayaa ku dhacay House of Windsor oo ah magaca qoyska boqortooyada. Bishii Juun ayay u dabbaaldagtay 70 guurada taliskeedii la soo jaanqaaday isbeddelo waaweyn oo dunida ka dhacay.

© Puntland Post, 2022

The post Boqorad Elizabeth II oo geeriyootay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this