Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Siciid Deni oo shaqa-joojin ku sameeyay Agaasimaha Sirdoonka Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   
deni-s-816x542-1-1.jpg

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa goor dhowayd shaqa-joojin ku sameeyay Agaasimaha guud ee Hay’adda Sirdoonka Puntland ee PISA, Mukhtaar Maxamed Xasan ( Jeyte) oo dalka dibaddiisa ku maqan, sida ay xaqiijinayaan warar lagu kalsoon yahay.

Madaxweyne Siciid Deni, ayaa sidoo kale shaqada ka joojiyay labada Agaasime ku xigeen ee Hay’adda PISA, Maxamed Casayr Barre iyo Bashiir Siciid Aaden, sida ay caddaynayaan xogaha laga helayo dhinaca Madaxtooyada.

Madaxweynaha ayaa ku simaha Agaasimaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee PISA u magacaabay, Maxamed Nuur Jaamac oo hore u ahaa Hoggaanka Baarista Sirdoonka Puntland.

Tallaabadan ayuu Madaxweynuhu qaaday kadib markii uu Caawa si lama filaan ah ku booqday Xarunta Hay’adda Sirdoonka PISA, islamarkaana uu la kulmay Mas’uuliyiinta Hay’adda ee ku sugan Xaruntaas.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Siciid Deni oo shaqa-joojin ku sameeyay Agaasimaha Sirdoonka Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this