Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Xasan oo warqadaha aqoonsiga Danjirenimo kaga guddoomay safiirka cusub ee Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16626445395256858.jpg

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warqadaha aqoonsiga Danjirenimo kaga guddoomay safiirka cusub ee Kenya Thomas Kipkosgei Chepkuto.

Danjire Thomas ayaa Madaxweynaha soo gaarsiiyey salaan iyo farriin uu kaga siday dhiggiisa dalkaas, isagoo shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed uga mahadceliyey soo dhaweynta diirran ay u fidiyeen, waxa uuna ballanqaaday in uu ka shaqeyn doono horumarinta iskaashiga labada dal.

FB_IMG_16626445490072667.jpg

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay ahmiyadda ay dowladda Soomaaliya siineyso hagaajinta xiriirka diblomaasiyadeed, siyaasadeed, dhaqaale, bulsho iyo ganacsi ee dalalka gobolka, taas oo ku saleysan dheef-wadaag iyo iskaashi wadajir ah oo ku aaddan xoojinta amniga, xasilloonida iyo la dagaallanka argagixisada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Danjire Thomas Kipkosgei Chepkuto u sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka gacan-siinayso gudashada waajibaadkiisa diblomaasiyadeed, waxa uuna u rajeeyey in uu si wanaagsan uga shaqeyn doono danaha ay wadaagan labada Jamhuuriyadood ee dariska ah.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Xasan oo warqadaha aqoonsiga Danjirenimo kaga guddoomay safiirka cusub ee Kenya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this